Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliy oo London ugu duulay ka qaybgalka Xafladii sanad-guurada labaad ee Farmaajo

07 Feb 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta u ambabaxay magaalada London ee dalka UK, iyadoo socdaalkiisa ku soo aaday, xilli uu maanta ka dhacayo shir lagu gadayo shidaalka Soomaaliya.

Mahdi Guuleed oo London u aaday ka qaybgalka xaflada 8da feb oo ah sanadguuradii 2aad ee kasoo wareegtay markii la doortay Farmaajo ayaa sheegay inuu dowladda UK la kulmi doono, si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal ka dhaxeysa, sidoo kalena la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sheegay inuu Jaaliyadda Soomaaliyeed ay u soo bandhigi doonaan waxqabadkii labada sano ee ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabadda ka dhici doonta magaalada London ayaa waxaa ka qeyb geli doona Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudey, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo wafdia uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed

Dowladda Soomaaliya ayaa qaban qaabo xooggan ugu jirta munaasabadda labo sano guuradii ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo dad badan su’aal geliyeen mudada labada sano waxa ka qabsoomay balan-qaadkii Madaxweyne Farmaajo sida in Al-Shabaab uu dalka uga saarayo labo sano.

Puntlandes.com

About The Author