Adm. C/risaaq Diiriye “Warka Wasiirka dekedaha Puntland Waa been” (Daawo)

Filed under: Wararka maanta |

10 Feb 2019 (Puntlandes) Taliyaha Ciidamada Badda (PMPF) Dowladda Puntland Adm. C/risaaq Diiriye, ayaa si kulul u beeniyay hadal dhowaan kasoo yeeray Wasiirka Dekedaha Puntland Saciid Maxamed Raage, kaas oo uu ku tilmaamay Ciidamada Amniga ee PSF Iyo PMPF in aysan ka amar Qaadan Dowladda Puntland.

Adm. C/risaq Siciid Diiriye, oo ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Hoggaanka Laamaha ammaanka Puntland, Maamulka Gobalka Bari iyo kan degmada Boosaaso, ayaa Sheegay in Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ay yihiin Hal Ciidan, balse ay Magacyadu u kala duwan yihiin.

“Waxaan doonayaa inaan idiin cadeeyo in ciidamada amniga ee Dowladda Puntland, meel walba oo ay ku sugan yihiin ay yihiin hal ciidan, magacyada hakala duwanaadaan laakiin dhamaan ciidamada waxay leeyihiin xiriir shaqo iyo hal talis”, ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Adm. C/risaaq Diiriye.