Golaha Wakiilada Puntland oo go’aan ka gaaray qaabka loo ansixinayo xukuumadda cusub

????????????????????????????????????

10 Feb 2019 (Puntlandes) Golaha wakiilada ee Puntland ayaa fadhigoodi maanta uga doodey xukuumadda cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda, qaabka loo ansixinayo. Fadhiga waxaa ku sugnaa ilaa 53 Xildhibaan.

Ajandaha ayaa ah in laga doodo qaabka Xukuumadda loo ansixinayo iyada oo dastuurkii hore ee xiligii Faroole wax laga bedeley sheegaayey in golaha wasiirada mid mid Baarlamaanka loo horkeeno, laakiin hadda ay noqotey xeer hoosaad.

Shir guddoonka golaha wakiilada ayaa codeny galiyey waxaana ay ku kala baxeen cod aad u yar. Xildhibaano gaaraya 26 Mudane ayaa u codeeyey in si duuduub ah Baarlamaanka loo horkeeno xukuumadda kadibna la ansixiyo, 24 Xildhibaan ayaa u codeeyey in mid mid loo horkeeno golaha Wasiirada kadibna qofwalba kartidiisa lagu qiimeeyo, saddex Xildhibaan ayaan codeynta ka qayb qaadaan oo ka aamusay.

Xiligii Madaxweyne Faroole ayey bilaamatey in duuduub loogu codeeyo Golaha Xukuumadda, si lamid ah tii Cabdiweli Cali Gaas, laakiin ma dhicin in baarlamaanku ka sii doodo xukuumad aan weli la shaacin qaabka loo ansixin doono.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan ku soo dhisin xukuumadda mudadii loogu talo galay, waxaana uu Baarlamaanka weydiistey muddo kordhin taas oo ku eg maalinti berri ah ee Isniinta. Dhismaha Xukuumadda ayaa waxaa saameyn ku leh madaxweyne ku xigeenka, Xildhibaanada, Siyaasiyiintii ololaha ka qayb-qaatey, Isimada, iyo Kaabo qabiilada.

Puntlandes.com

About The Author