WAA MID DHAN KA RARAN XUKUUMADA CUSUB EE DENI!!

11 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni waxaa la doortay 8-dii Jannaayo ee sannadkan 2019, wuxuuna balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad kooban oo tayo leh, islamarkaana uu ilaalin doono qoondada haweenka, maadaama golaha wakiilada Puntland aysan ka helin matalaad ku filan taas oo dastuuriyan ahayd inuu ku soo dhiso mudo 21 cisho ah.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay caleema-saarkiisii wuxuu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono qodoba ay kamid yihiin arrimaha amniga, dhaqaalaha, dib u habaynta hay’adaha dowliga ah gaar ahaanna ciidamada, soo celinta xuduudaha Puntland ee maqan, dardar-gelinta arrimaha bulshada,  mushahar-siinta shaqalaaha iyo ciidamada dowladda,la’adagaallanka musuq maasuqa iyo hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa laga sugayey inuu soo dhiso golihiisa xukuumadda ee la fulin lahaa, qodobada waawayn ee uu ballan qaaday, iyadoo bulshadu isweydiinaysay nooca xukuumadda uu soo magacaabi doono mudada 21 cisho ah ee uu haystay dastuuriyan.

Deni ayaa markii uu ku guuldaraystay inuu xukuumadiisa ku soo dhiso mudadii dastuurku u ogalaa kadib cadaadis uu maararyn waayey oo uga yimid kooxa isbiirsaday wuxuu  Baarlamanka weydiistay in mudda 14 cisha oo dheeri ah  loogu daro wakhtiga Dastuuriga.

Mudda 34 cisho kadib ah oo uu ku hawlanaa wada tashiyo ku saabsan magacaabista golihiisa, xalay ayuu ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 18 wasaaradood iyo 48 wasiiro, wasiirro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, kuwaasoo ay ku jiraan 4 haween ah oo kaliya oo welibana 3 aysan wasiir buuxa ahayn.

Haddii la eego balanqaadkiisi ahaa; xukuumad kooban, waxaa muqata in uusan wax badan ka hirgelin, marka la barbar dhigo, xukuumaddii ka horraysay ee madaxweyne Gaas  oo lagu bilaabay 46 wasiir.

Madaxweyne Deni ayaa soo dhisay xukuumad aad u balaaran oo 48 wasiir ka kooban, taas oo ah tii ugu badnayd oo doorashada ka dib la magacaabo intii ay Puntland jirtay.

Kooxda Aaran Jaan

Dhanka kale xukuumadda Deni ayaa waxaa xoog ku leh oo wasaasado muhiim ah ka helay kooxda Aaran Jaan ee uu hogaamiyo Maxamuud Shido iyo Faroole, iyagoo ay muuqato inay talona ku leeyihiin wasaaradaha aysan helin.

Kooxda Aaran Jaan ayaa taageertay ololihii uu xilka ku raadinayey madaxweyne Deni, waxaana muuqata inay hada gacanta ku hayaan talada dalka oo uusan u madaxbanaanayn madxweynuhu.

Saamaynta Madaxweyne ku xigeenka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa saamayn xoogan ku kadib markuu diiday inuu aqbalo liiska golaha wasiirada uu Deni dhawr jeer wax ka bedalay, isagoo dalbaday in in uu isagu soo magacawdo xubnaha ka soo jeeda beesha Dhulbahante xushana wasaaradaha.

Deni ayaa markuu mari waayey Karaash ugu dambayn u ogoladay inuu dalabkiisii, wuxuuna Karaash xushay wasaado aad u miisaan culus isagoo iska diidaykuwo ay horay beeshiisu u haysay oo ay ka mid tahay wasaaradda Arimaha guduha oo uu isagu wasiir ka soo noqday xiligii Gaas.

Karaash ayaa xusha 5 wasaaradood oo xul ah aynu jidka ugu soo jiraan mashaaric badan oo ay ku baxayso lacag aad u tiro badan, waxayna kala yihiin  Caafimaadka, Hawada & Garoomada, Warfaafinta Isgaarsiinta & Dalxiiska, Deegaanka, Beeraha & Waraabka iyo Shaqada Shaqaalah Dhalinyada & Ciyaaraha.

Isku soo wada duuboo dawladdii mudada laga sugayey madaxweyne Deni waxay noqotay la mood noqonse wayday, waana dawlad dhan ka raran oo ay Aaran Jaan, Faroole iyo Karaash meel ku xirteen, mana ahan dawlad fulin karta balanqaadkii uu madaxweynuhu sameeyey.

Puntlandes.com

About The Author