Daawo Video: Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland & Galmudug

11 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug iyo Gudiga nabadeenta magaalada Galkacyo.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiyaasha Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac iyo Saraakiisha Ciidamada Amniga ee isku-dhafka labada dhinac

Waxaa kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Nabada Gobolka gaar ahaan agaalada Gaalkacyo oo aad loogu guuleystay Amnigeeda mudooyinkii dambe.

Labada dhinac ee gobolka ayaa ku balamay xoojinta nabadgelyaga iyo adkaynta amniga gobolka.


Puntlandes.com

About The Author