Madaxweyne Farmaajo oo Madaxweynaha Uganda kula kulmay Addis Ababa

12 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa, halkaasoo labada Madaxweyne uga qeyb galeen shir madaxeedka Midowga Afrika ee shalay la soo gabagabeeyay.

Madaxweyne Museveni ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitterka ku sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo ay ka wada hadleen sare u qaadista xiriirka labada dal, sidii loo adkeen lahaa iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen ammaanka, xiriirka iyo waxbarashada.

Kulankan ayaa ka mid ahaa kulamo ay si gaar gaar isugu arkayeen Madaxda Afrikaanka ee ka qeyb galay shir madaxeedka 32aad ee Midowga Afrika.

Inkastoo aan Madaxtooyada Soomaaliya faah faahin ka bixin kulankan, hadana waxaa jiray war saxaafadeed iyo sawirro Madaxtooyada faafisay oo ahaa kulamo Madaxweyne Farmaajo la qaatay Madaxda dalalka Sudan, Jabuuti, Itoobiya, Koofur Afrika iyo Equatorial Guinea.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo uu ku sheegay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka aan laheyn wax dowlad ah, taas oo ay xataa ka jawaabi wayday.

Puntlandes.com

About The Author