Taliyeyaasha AMISOM oo Muqdisho uga furmay shir looga hadlayo qorshaha ka bixitaankooda

12 Feb 2019 (Puntlandes) Taliyeyaasha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa Muqdisho uga furmay shir soconaya 4 cisho, kaasoo looga hadlayo qorshaha ka bixitaanka Ciidamada AMISOM.

Kuxigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Simon Mulongo oo gudoominayay shirka ayaa Taliyeyaasha ku amray in afartaas maalmood ay ku soo saaraan qorshe macquul ah oo la isku halleyn karo, isl amarkaana aan dib u dhac ku keeneyn guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha guud ee Ciidanka Amisom Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa sheegay in howlgalladooda cusub, markan ay noqon doonaan kuwo bartilmaameedyo gaar ah yeesha isla markaana hoos u dhiga Awoodda iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galeysa ayaa soo bandhigi doonta howlaha ay tahay in la qabto ka hor inta aysan bixin Ciidanka AMISOM, qorshaha amniga Soomaaliya loogu wareejinayo Ciidamada dowladda ee xilliga kala guurka iyo sida ay tahay in Shabaab gacantooda looga saaro dhamaan degmooyinka ay joogaan.

Arrimaha ugu horeeya ee tahay in la qabto shirka kaddib, ayaa ah shaqada 28-ka bishan ee dalka looga saaro Kun kamid ah Ciidanka Burundi, kuwaasoo laga soo qaadayo gobolka Sh.dhexe.

AMISOM waxaa ay sheegtay in qorshahan sidoo kale ay qeyb ka tahay dib u habeyn lagu sameeyo saldhigyada aagga hore ee difaaca, iyadoo la dhimayo Ciidanka jooga hayeeshee la hagaaginayo tayada saldhigyada qaar.

Puntlandes.com

About The Author