Kulan degdeg ah oo Madaxda dowladda uga socda Villa Somalia

17 Feb 2019 (Puntlandes) Wararka laga helayo Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan degdeg ah uu xilligan u socdo Madaxda dowladda Soomaaliya, iyadoo kulankan looga hadlayo xiisada siyaasadeed ee ka dhex qaraxyday Soomaaliya iyo Kenya.

Kulankan ayaa waxaa qeyb ka ah Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Safiirkii Soomaaliya ee u fadhiya Kenya, kaasoo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii dowladda Kenya ku amartay inuu degdeg uga baxo dalkooda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kulankan ay sidoo kale qeyb ka yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo La Taliyeyaasha sare ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo ka mid ah go’aankii dowladda Kenya ay xiriirka diblomaasiyadeed uga jartay Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay saacadaha soo socda soo saari doonto war murtiyeed ku saabsan go’aanka dowladda Soomaaliya.

Lama oga go’aanka dowladda Soomaaliya sida uu noqon doono, waxaana durba baraha bulshada qabsatay doodo kala duwan oo dadka Soomaaliyeed uga fal celinayaan go’aankii Kenya, iyagoo dowladda Soomaaliya ka dalbanaya inay joojiso Qaadka laga keeno dalka Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa qoraal ay soo saartay oo ka kooban 15 qodob waxay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay dhulkeeda, isla markaana dowladda Sooomaaliya ay beecisay shidaalka dhul badeed ka tirsan xuduudka Kenya, sida ay ku andacootay, waxaana ay wada tashi ugu yeertay Safiirkeedii u joogay Muqdisho, halka Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi ku amartay inuu si degdeg ah uga baxo dalkeeda.

Puntlandes.com

About The Author