Sawirro: Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Beeraha Puntland oo xilkii la wareegay.

17 Feb 2019 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada DPL mudane, Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye ayaa maanta si rasmi ah xilkii wasaaradda Deegaanka ugu wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka, isbedelka cimilada, Beeraha iyo Waraabka DPL mudane, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaana xaflada Xilwareejinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada iyadoo ay ka qaybgaleeen Wasiirkii hore ee wasaarada Deegaanka Mudane Cali Cabdullaahi Warsame, Wasiirkii hore ee wasaaradda Beeraha Mudane, Daahir Xaaji Khaliif, wasiir kuxigeenadii hore ee wasaarada Deegaanka iyo madaxda cusub ee wasaaradda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo furay xaflada xilwareejinta madaxdii hore iyo lawareegida madaxda cusub ayaa sheegey in Wasaarada Deegaanku ay diyaarisay xilwareejinta oo ay kujiraan hantida wasaaradda, Gaadiidka, Guryaha iyo dhamaan qalabkii ay wasaaraddu ku shaqaynaysay waxaana uu sheegay inay madaxda cusub la shaqaynayaan.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Deegaanka Mudane, Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeyey ayaa sheegey in uu wareejinayo Wasaarad uu mudo kooban joogay balse shaqo badan la qabtay waxaana uu sheegey in ay la shaqeeyeen shaqaalle aqoon iyo xirfad wanaagsan leh islamarkaasna isku duuban wuxuuna Wasiirka cusub ugu baaqay in uu halkii kasii wado shaqada dawlada oo ah Qori iskudhiib, Wasiirka cusub ee wasaaradda Deegaanka, isbedelka cimilada, Beeraha iyo Waraabka Mudane, Ismaaciil Diiiyey Gama’diid ayaana si rasmi ah intaas kadib xilka ula wareegay.

 


Puntlandes.com

About The Author