Madaxweynaha Puntland guddi ka kooban 4 xubnood u magacaabay arrimaha xil-wareejinta

17 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland ayaa guddi ka kooban 4 xubnood u magacaabay arrimaha xil-wareejinta, waxaana dhammaan wasaaradaha lagu wargeliyay in ay la shaqeeyaan guddigaasi.

“Waxaa lagu wargelinayaa, dhammaan wasaaradaha Dowladda Puntland in loo xil saaray xil-wareejinta wasiiradii hore iyo wasiirada cusub guddigaasi” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Guddiga loo igmaday xil-wareejinta ayaa kala ah agaasimaha madaxtooyada, xeer ilaaliyaha guud, hanti-dhowraha guud iyo xisaabiyaha guud ee dowladda Puntland.

Warar hoose ayaa sheegaya in guddigaan loo magacaabay , si loo ilaaliyo hantida dowladda xilligan kala guurka ah.

Puntlandes.com

About The Author