Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Qado Sharaf Is Barasho Ah U Sameeyey Goleyaasha Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qado sharaf isbarasho ah u sameeyey Goleyaasha Dowladda Puntland sida Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka.

Qada sharafta isbarashada ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahadnaqay Goleyaasha dowladda gaar ahaan Golaha Wakiillada,

“Munaasabaddan waa isbarasho iyo mahadcelin Golaha Wakiillada Dowladda Puntland talaabadii taariikhiga ahayd ay shalay qaadeen ee ansixinta Golaha Wasiirada oo ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen si aan horay uga dhicin Puntland aad baad u mahadsantihiin”Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni oo munaasabadda khudbad taariikhi ah ka jeediyay ayaa Goleyaasha dowladda Puntland uga mahad naqay shaqooyinkii adkaa ee ay qabteen xiligii lagu guda jirey doorashada iyo Isbedelka maalmihii taariikhiga ahaa.

“Runtii waxaa sharaf ii ah in aan hortiina soo istaago anoo magiciina ku hadlaya, inaan u mahadceliyo shaqadaas baaxadda weyn ee laga soo bilaabo December 03 2018 iyo intii ka horeysayba ee doorshada lagu jirey dadkii suurta galiyey oo ay ciidamadu ku jiraan, isimada oo laf dhabar u ahaa in nidaamkii siyaasiga ahaa ee kala wareegaayey ay si wanagsan u korjoogteeyeen, waxaan si balaadhan ugu mahadnaqayaa shacab weynaha Puntland sida ay ula socdeen isbedalka siyaasadeed ee ka dhacaayey wadanka iyo doorka shariifka ah ee ay ku lahaayeen marxaladdii ololaha adag ee dalka ka qabsoomay iyo sida wanagsan ee ay u ilaaliyeen shacabku nabadgelyada iyo xasiloonida guud ee Puntland iyo natiijooyinka dimuquraadiga ah ee soo baxayey ay u aqbaleen,

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dolwadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mahad ballaaran u soo jeediyey Golaha wakiillada Dowladda Puntland ee ay ugu horreeyaan Guddoonka Golaha Wakiillada sida wanagsan ee ay u daadihiyeen shaqada wadanka intii ay la wareegeen xilka, isla’markaana Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay ansixintii Golaha xukuumadda iyo barnaamij siyaasadeedka xukuumada


Puntlandes.com

About The Author