Kenya oo Sadex Shardi ku Xirtay soo Celinta Xiriirka Soomaaliya

Isniin February 18, 2019

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya, Kenya ayaa ku xirtay Somaliya shuruud sadex qodob ka kooban si xal looga gaaro muranka diblomaasiyadeed ee dhinaca badda ee labada wadan ka dhaxeeya. Qodobka koowaad ee ay Kenya dalbaneysa ayaa ah in Soomaaliya ay ka noqoto qaybaha ka mid ah soohdinta dalkeeda ee ay Soomaaliya ku suuqgeysay 7-dii bishan magaalada, London ee dalka Ingiriiska.

Shuruudda labaad ee ay Kenya ka dalbaneyso Soomaaliya ayaa ah in Soomaaliya ay ogeysiiso dhamaan shirkaddihii baayacay xidhmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn. Iyo shruudda sadexaad ee ugu dambeysa oo ah, in Kenya ay dooneyso in wada xaajood ay labada wadan ka galaan arrinta muranka badda oo ay xal walaalnimo ka gaaraan, iyadoo aan la marin Maxakamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taalo.

Sida ay soo xigteen warbaahinta Kenya, Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr. Macharia Kamau, ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in Soomaaliya ay fuliso sadexdaasi shardi si Kenya ay u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada wadan ka dhaxeeyay.

Xalay ayey aheyd markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamada caalamiga ah ee Hague.

Waxay kale oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in mowqifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.
Somaliya ayaa intaasi ku dartay in aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin dhuleed, qorshahana ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin gaaska ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaareyso. Sabtidii ayuu murankan soo baxay, markii Kenya ay go’aansatay inay xiriirka diploimaasiyadeed u jarto Soomaaliya.

Safiirkii Kenya ee Somaliya Lucas Tumbo,ayaa shalay dib ugu noqday Nairobi , safiirkii Soomaaliya ee kenyana, Maxamed Nuur Tarsan ayaa isna Axaddii shalay ku noqday Xamar.

About The Author