Ganacsatada Qaadka ee Kenya oo ku hanjabay inay Soomaaliya ka joojiyanayaan Qaadka

18 Feb 2019 (Puntlandes) Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa ku hanjabay inay joojinayaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii uu sii xumaado xiriirka labada dal.

Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya Kimathi Munjuri ayaa sheegay inay joojin doonaan Qaadka ay keenaan Soomaaliya, isagoo xusay in mar walba Soomaaliya ku hanjabto joojinta Qaadka, balse ay iyaga ka dhabeynayaan.

“Ma u dulqaadan doono in mar walba Soomaaliya noogu hanjabto joojinta Qaadka, anaga ayaa ka dhabeyn doono, marnaba Qaad kuma iibsan doono madax banaanida dalkeena”ayuu yiri Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhaqaale fara badan ka sameysa Qaadka ay u soo dhoofiso Soomaaliya, waxaa la sheegay in bishii ay ka soo gasho boqol milyan lacagta Kenya.

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa cirka isku shareeray, markii dowladda Kenya ay u yeeratay Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho, kana dalbatay Safiirka Soomaaliya inuu dalkiisa dib ugu laabto.

Puntlandes.com

About The Author