Xafiiskii Xisbiga Wadajir ee magaalada Garowe oo ay dawladda Puntland xirtay

19 Feb 2019 (Puntlandes) Dowladda Puntland, ayaa albaabada u laabtay, xarun cusub oo xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu 31 bishii hore Jannaayo ka furtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa bixiyay amarka lagu xiray xarunta xisbiga Wadajir ee magaalada Garowe, madaama sida ay sheegeen dowladda Puntland diiddan tahay in ololaha siyaasadeed ee xisbiyada Soomaaliya uu saamayn ku yeesho xiriirka Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Wararku waxay sheegayaan in xukuumadda Puntland ay amar ku bixisay in guud ahaan xisbiyada ka dhisan Soomaaliya aysan wax xarumo ah ka furan karin degaannada Puntland si loollanka u dhexeeya Villa Somalia iyo xisbiyada mucaaradka u saameyn xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo hoggaanka xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan midkoodna weli ka hadlin sababaha loo xiray xaruntii xisbigaasi ee magaalada Garowe, oo ahayd xarunta keliyah ee xisbiga Wadajir ka furtay guud ahaan degaannada Puntland

Puntlandes.com

About The Author