Akhriso Golaha Musharixiinta Isbaddel-doonka Jubbaland 2019 oo warsaxaafadeed ka soo saaray doorashada Jubaland

Ujeedo: Doorashada Maamul Goboleedka Jubbaland

Waxaa si wadajir ah loo sameeyey Golaha Musharixiinta isbaddel doonka Jubbaland 2019 kaas oo ay ku mideysan yihiin dhammaan musharixiinta u taagan madaxnimada Jubbaland ee doorashada 2019 dhexdeeda ka dhaceysa. Golahu wuxuu ku talinayaa si loo helo matalaad rasmi ah kana madax banaan faragelin ka timaada dadka ku tartamaya madaxweynenimada maamul goboleedka Jubbaland, waxaa muhiim ah oo ay si wadajir ah u soo jeedinayaan in lagu dhaqmo hab raaca soo socda inta laga gaarayo qof iyo cod:

1- Sida uu qabo sharciga dowlad goboleedka Jubbaland,muddo xileedka madaxweynaha Jubbaland
la dooran karo waa labo xilli, sidaa darteed madaxweynaha xilligiisa sii dhammaanayo uma
tartami karo madaxweynaha Jubbaland, maadaama labo xilli la doortay. Waxaana aan ka
codsaneynaa Madaxweyne Ahmed Madobe, in uu umadda reer Jubbaland kala shaqeeyo in ay soo
doortaan hoggaamiye cusub, sida uu yeelay madaxweynihii hore ee Puntland, Mudane Abdiweli
Mohamed Ali Gaas, kana shaqeeyo nabadda Jubbaland.

2- Odayaasha dhaqanka ee asalka ahaa ee eek u jiray liiskii 135 ah oo kaliya ayaa soo xuli kara
xildhibaanada dowlad goboleedyada, iyagoo la tashanaya, nabadoonada degaanka, hadba intii
suurgal ah.

3- Beeshii aanan lagu matalin 135ka oday dhaqameed ee ka diiwaan gashan Dowaladda Federaalka
ah, waxaa xildhibaanadooda soo xulaya Isimka guud ee ugu dhow dhalasho. (suldaan, ugaas,
malaaq iyo dhigooda).
4- Guddiga doorashada waa iney wada magacaabaan Baarlamaanka cusub dowlad goboleedka iyo
madaxweynaha maamul goboleedka waana inuu ka koobnaadaa dad dhexdhexaad ka ah arimaha
dowlad goboleedka Jubbaland, ahna dad sharaf iyo miisaan culus ku leh umadda Jubbaland
dhexdeeda. Tirada gudiga waa inuu noqdaa 7 qof oo 2 haween yihiin, kana tirsan baarlamaanka
dowlad goboleedka.
5- Amniga waa iney gacanta ku wada hayaan, sugaanna ciidan isku dhaf ah oo ka socda SNA iyo
AMISON.
6- Doorashadu madaxweynaha Jubbaland waa in lagu dhawaaqaa 45 cisho ka hor maalinta
doorashada madaxweynaha loo asteeyey.
7- In si deg deg ah loo soo magacaabo 10kii xildhibaan ee uu Madaxweyne Ahmed Madobe
ballanqaaday 4 sano ka hor, la iskuna raacay in lagu daro baarlamaanka Jubbaland ee soo socda,
iyadoo uu soo magacaabayo wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka Somaaliya iyo
madaxweynaha dowlad goboleedka sidii uu heshiiska ahaa, isagoo la tashanaya beelaha
degaanka.
8- Waa in dhamaan murashaxiinta madaxweynaha Jubbaland, si xor ah ay deegaannada maamul
goboleedyada uga ololeen karaan, ka dib maalinka lagu dhawaaqo doorashada.
9- Waa in ciidanka SNA iyo AMISON ay siiyaan murashaxiinta is diiwaan galiyey ilaalo ku filan oo suga
amnigooda.
10- Xilliga loo asteeyo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka iyo kan xildhibaanada
maamul goboleedyada waa in ay u dhexeysaa muddo aan ka badneyn 21 cisho, kana yareyn 14
maalmood, laga bilaabo maalinka la dhaariyo xildhibaanada.
11- In wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka uu goobjoog ka noqdaa maalinka
doorashda, si uu meesha uga ansixiyo natiijada doorashada.
12- In dowaldda Jubbaland ee hadda Jirta aysan sameyn Karin wax muddo kordhin ah, sida ku soo
baxday war-murtiyeedkii shirkii Burexcells, ee Belgium, bishii July 2018, taas oo uu oggolaaday,
kuna hor saxiixay bulshada caalamka hortooda madaxweynaha xilligiisa sii dhammaanayo,
13- In ay Jubbaland ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah uuna ballanqaado madaxweynaha
Jubbaland in uusan carqaldeyn doonin.
14- In lagu dhawaaqo in Jubbaland doorasho ka dhaceyso xilligii loogu talogalay oo ay dhammaato
xilliga xileedka Golayaasha dowladda.
15- In warbaahinta aan la caburin si siman musharixiinta u wada isticmaalaan lagana fogaado cabsiin
iyo caga-jugleyn lagu sameeyo warbaahinta madaxa bannaan.

16)- In dhaqaalaha dowlad goboleedka aan loo isticmaalin, doorashada oo kaliya loo isticmaalo
howlaha la xiriira maamulka, sida mushaaraadka ciidanka amniga sugaya iyo maamulka
shaqaalaha rayidka ah.
17- Waxaa manuuc ah in faragelin toos ah iyo mid dadban aysan ku sameyn Karin ururo ama
maamullo shisheeye ah, arrimaha doorashooyinka Jubbaland.
18- In beesha caalmku u soo dirto kormeerayaal madaxbannaan oo dusha ka eega qaabka doorashadu
u dhaceyso, si ay u hubiyaan in doorashadu aysan noqon kuwii horey loogu bartay maamulka
Jubbaland hadda jira.

Waxaa laga codsanayaa dhammaan dadka reer Jubbaland in ay u hiilliyaan isbaddelka Jubbaland 2019.

Afhayeenka Golaha Musharixiinta
Abdinasir Seeraar Maax

Xarunta Golaha: Kismayo, Jubbaland, tel. +252-613915692

About The Author