Sawirro: Shir looga hadlayay taageerida Mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahaan gobalka Mudug oo xalay ka dhacay  Garowe

20 Feb 2019 (Puntlandes) Shir looga hadlayay sidii loo taageeri lahaa Mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahaan gobalka Mudug ayaa xalay ka dhacay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Waxaa shirka ka soo qayb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda gobalka Mudug oo isugu jira kuwa cusub iyo kuwii hore, Ganacsato iyo Madaxda Shirkadda Wadaagsan ee gacanta ku haysa maamulka dhishaha Dekedda, Wadada isku xirta Garacad iyo Galdogob.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo dar dar-gelin lahaa Dhismaha Dekadda Garacad, Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo, Wadada Wadaagsin iyo Kastamka Tuur-dibi, kuwaas oo ah mashaariic wax ku ool ah.


Puntlandes.com

About The Author