Sawirro: Madaxweynaha Somaliland Oo Booqasho Ugu Baxay Dalka Itoobiya sheegayna inuusan la kulmayn madax aan ka ahayn dawladda Itoobiya

20 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqasho ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kaddib markii ay marti-qaad ka heleen ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya sida uu saxaafadda u sheegay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon)

Saxaafadda ayaa waxay qortay inuu Muuse Biixi Addis Abeba kula kulmi doono madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulaahi Faramaajo oo isna maanta halkaas gaari doona.

 


Puntlandes.com

About The Author