Akhriso Mahdi Yuusuf Dhuux “MADAXWEYNE DENI SHARCI UMA HAYSTO INUU XUQUUQDA DASTUURIGA AH EE SHACABKA PUNTLAND & KAN SOOMAALIYEED UU LAALO”

20 Feb 2019  (Puntlandes) Mahdi Yuusuf Dhuux ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga  ku sheegay in madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni uusan sharci u haysan inuu xuquuqda Dastuuriga ah ee Shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeed uu laalo.

Mahdi Yuusuf Dhuux ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay sharci daro tahay in madaxweyne Deni uu xiro xarumaha ay Puntland ku leeyihiin Xisbiyada heer Federaal, kuwaas oo ka diiwaan gashay guddi doorashooyinka Soomaaliya.

Mahdi ayaa qiraalkiisaa farta ku fiiqay halista ku jirta talaabadan guracan ee uu qaaday Deni, taas oo ay ka dambeeyeen kooxda xagjirka ah ee Aaran Jaan iyo madaxweynaha dawladda Federaalka Farmaajo.

 

Hoos ka aqriso qoraal uu Mahdi Yuusuf Dhuux soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay:

 

MADAXWEYNE DENI SHARCI UMA HAYSTO INUU XUQUUQDA DASTUURIGA AH EE SHACABKA PUNTLAND & KAN SOOMAALIYEED UU LAALO

Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa amray in albaabada la isugu laabo xaruno cusub oo xisbiyada Soomaaliya ka furteen magaalada Garowe, taasi waxay xadgudub ku tahay xuquuqda dastuuriga ah ee mawaadiniinta reer Puntland ee taageera xisbiyada heer federaal, waxay kaloo xadgudub ku tahay xuquuqda siyaasiga iyo shaqsiga Soomaaliga ah kaas oo xaq u leh inuu dego ka ganacdo kana furto Puntland xarumo siyaasadeed oo heer Federaal ah.

Dano shaqsiyeed oo madaxweynaha u gaar ah ama kooxda xagjirka ah ee Aaran Jaan ee jaalka la ah ay leedahay, madaxweynuhu uma afduubi karo xuquuqdaas aasaasiga ee ay leeyihiin shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeed.

Madaxtooyadda Puntland ayaa amartay in guud ahaan xisbiyada ka dhisan Soomaaliya aysan xarumo ka furan karin Puntland. Wuxuuna ku sababeeyey in looga hortagayo in aysan saamayn xiriirka Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankani wuxuu caddaynayaa in madaxweyanaha Puntland iyo Aaran Jaan oo wax uun macaasha ah ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay fuliyeen rabitaankiisa ah in aysan wax xarun ah ah ka furan deegaanada Puntland Xisbiyada heer Federaal.

Farmaajo waxaa u dhiman wax ka yar 2 sano mana jirto wax shaqo ah oo uu qabtay, wuxuuna Muqdisho ku caburiyey Siyaasiyiintii Soomaaliyeed mana doonayo inay Puntland u noqoto meel ay ku nafisaan oo ay aragtidooda ugu soo bandhigaan shacabka Soomaaliyeed.

Anigu waxaan ka mid ahay muwaadiniinta reer Puntland, xubina ka ah Xisbi ka mid ah Xisiyada heer Federaal, waxaana jira mawaadiniin aad u faro badan oo xubno ka ah Xisbiyadaas xaq ma u leeyahay Deni isagoo fulinaya danaha Aaran Jaan iyo Farmaajo inuu yiraahdo kama mid noqon kartaan Xisbiyadaas kamana shaqayn kartaan Puntland?

Jawaabtu waa caddahay oo waa maya, marka amarkii uusan madaxweynuhu ka fiirsan waa mid sharci daro ah aanna la aqabli karin.

Madaxweyanaha Deni iyo Aaran Jaan Puntland xaggee bay ku wadaan?

Soomaaliya Soomaali baa leh

W/Q: Mahdi Yuusuf Dhuux

About The Author