Maxaa sababay Xiritaankii xarumaha Xisbiyada WADAJIR & HIMILO ee Garowe?

20 Feb 2019 (Puntlandes) Waxaa Puntland ilaa maalintii la aasaasay ay horseed ka ahayd sidii looga boskoon laha dagaaladii foosha xumaa ee ummadda Soomaaliyeed dhexmaray ee laga dhaxlay dawladdii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, waxayna geed dheer iyo gaaban u fuushay sidii dawlad Soomaaliyeed dib loogu yagleeli lahaa.

Waxaa Puntland ilaa maalintii la aasaasay ay horseed ka ahayd sidii looga boskoon laha dagaaladii foosha xumaa ee ummadda Soomaaliyeed dhexmaray ee laga dhaxlay dawladdii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, waxayna geed dheer iyo gaaban u fuushay sidii dawlad Soomaaliyeed dib loogu yagleeli lahaa.

Sidaad ogtihiin, Soomaaliya maanta waa federaal waxaana lagu talo jiraa in lagu tartamo Xisbiyo oo looga gudbo arinta ku saalaysay qabaa’ilka, 4.5.

Waxay Puntland ay nasiib u yeelatay in ay madaxda Soomaaliyeed oo dhan ay hal mar ah ku kulanto, iyada oo aduunka oo dhan laga fiirsanayo.

Waxaa u suurto gashay siyaasiyiinta Xisbiyada diiwaan gashan kuwoodii ugu tunka waynaa sida Xisbiyada WADAJIR iyo HIMOLO in ay ka furtaan Garowe xarumo maadaama taageerayaal aad u badan ay ku lahaayeen.

Arintaasi waxay aad u farxadgelisay dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxayna muujinaysay in ummaddii Soomalaiyeed walaalowday oo cuqdadii iyo kala qoqobkii ka baxay.

Shacabka reer Puntland aad iyo aad ayey ugu faraxsanaayeen, inay Xisbiyadaasi xasiifyo ka furtaan Garowe, kuwaas oo aan qabiil ahayn oo Soomaaliyi ku dhan tahay.

Nasiib darase madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa amar ku bixiyey in irdaha la isugu laabo xarumihii ay Xisbiyadaasi ka furteen Garowe, Han yaraa Deni.

MAXAY EERSADEEN XARUMAHA XISBIYADU?

1-Villa Somalia oo u quuriwayday in ayPuntland ku kulmeen hal-doorkii ummadda Soomaaliyeed oo walaalo ah.

2-Villa Somalia oo xoriyatul qawlku dhibayo

3-Villa Somalia oo ka soo horjeeda in Xisbiyo lagu tartamo

4-Villa Somalia oo Garowe ka samysatay Faroole iyo Aaran Jaan

5- Villa Somalia oo la dhibayso walaalowga iyo isu keenida ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ku gabagabaynaynaa sadex arimood:

1-Taageerayaasha Xisbiyada lagu xumeeyey Garowe waxaan u cadaynaynaa in ay shacabku ka xun yihiin khaladka iyo cunsurinimada  ku dheehan tahay ee lagula kacay, arintaasna ay gaar ku tahay ragga u adeegaya Villa Somalia oo ku shaqeeya lacagta iyagoo eegayn sharciga, Wanaaga iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed kuwaa oo ah Faroole, Maxamuud Shido, Xildhibaan Cali Xoosh iyo Deni oo sidii laxdii daylo ahayd iska bado socda.

2- Waxaan Taageerayaasha Xisbiyada ku boorinayaa in raggaas aan kor kusoo sheegnay ay mas’uuliyadda xumaanta halkaas laga sameeyey leeyihiin kulana xisaabtamaan meel kasta oo ay joogaan (Soomaali Garowe kaliya ma aha)

Puntlandes.com

About The Author