Akhriso War Saxaafadeed madaxweyne Deni oo Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland ku amray inay qoraal kasoo saarto xarumihii Xisbiya ee uu xiray

20 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxa uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ku amray inuu qoraal deg deg ah kasoo saaro xarumihii Xisbiyada ee uu ka mid ka ahaa Xisbiga WADAJIR ee uu ka xiray Garowe.

Wasiirak oo fulinaya amarka madaxweynihiisa ayaa sifo aan sharciga waafaqsanayn ku amartay Xisbiyada Siyaasadeed in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ee gudaha Dowladda Puntland inta laga dhameystirayo waxa uu ugu yeeray dhamaan siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geedi socodka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka Dalka.

Madaxweyne Deni ayaa xiray xarumihii Xisbiayada oo heer Federaal ahaa kadib markii Farmaajo oo kaashanaya Faroole, Maxamuud Shido iyo Xildhibaan cali Xoosh oo heshiis hoose kula galay inuu albaabada isu laabo xarumaha Xisbiyada ee heer Federaal taas oo baal marsan sharciga oo qeexaya xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Puntland iyo kan Soomaaliyeed, halkan ka akhriso qoraal arintan faahfaahinaya.

Akhriso War Saxaafadeedka


Puntlandes.com

About The Author