Wasiirka Aaran Jaan ee Arimaha Gudaha Dhabancad oo durba bilaabay fulinta awaamiirta…..

Maxamed C/raxmaan Dhabancad oo ay Kooxda xagjirka ah ee Aaran Jaan ay u magacaabatay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa durba bilaabay fulinta awaamiirta Aaran Jaan.

Horjoogaha kooxda xagjirka ah Maxamuud Shido ku darsaday Dhabancad xukuumada cusub ee Puntland, waxaana loo keensaday in lagu fushado danaha gaar ah ee Aaran Jaan iyo oday Faroole.

Madaxweyne Deni ayaa amar uu bixiyey in albaabada isugu laabay Xarumihii Xisbiyada WADAJIR iyo HIMILO oo heer Federaal ahaa kadib markii Farmaajo oo kaashanaya koox xagjir ah oo ka hawlgasha Garowe uu heshiis hoose kula galay arintaas isagoo diidan in Puntland ay Soomaalida u furto daaqad kale oo walaalayn ah.

Dhowr cisho kadib Deni iyo aaran Jaan ayey la xumaatay inay qaataan mas’uuliyadda xirista xarumahaas iyagoo haysta wiilka dhagaha fudud ee Dhabancad kadibna waxay xalay amark u siiyeen inuu soo saaro qoraal uu ku qaadanayo mas’uuliyadda amarkaas.

Waxaa wax lagu qoslo ah inuu wiilku soo saaray qoraal aad moodo inuu qoray qof far barad ah, aana waxba ka aqoon dawladnimada.

Wuxuuna Dhabancad  ku bilaabayaa qoraalkiisa sidatan ” Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay bogaadinaysaa dadaalada hanaanka doorashooyinka xisbiyada badan ee la doonayo in dalka laga hirgeliyo heerka Dawladda dhexe ee Federaka iyo dawladaha xubnaha ka ah.” wasiirku qaybtan qoraalkiisa kuma sheegin dalka Soomaaliya oo uu ula jeedo qoraalkiisa ama ku saabsan yahay!!!!!

Wuxuu sii qoray Dhabancad ” Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayadoo garawsan, tixgelina siinaysa xuquuqda ururada siyaasiga ah ee gundhigga u ah hanaanka xisbiyada badan waxay wasaaraddu ku wargalinaysaa dhamaan ururada iyo xisbiyada ee heerka Dawladda dhexe iyo dawladaha xubnaha ka ah inay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ee gudaha Dawladda Puntland inta laga dhamaystirayo dhamaan siyaasadihii iyo sharuudihii lagu hagi lahaa geedi socodka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka”

Mar kale meelna laguma sheegin inay tahay Soomaaliya waxa laga hadlayaa oo qoraalku quseeyaa. Sidoo kale mar waxaa qoraalka qaybtan uu ku tilmaamay ururo marna xisbiyo waana kala duwan yihiin labadaasi. Kuna sii darsoo Xisbiyadu waxay ka diiwaan gashan yihiin guddiga doorashooyinka heer  federaal, waxayna xafiisyo ku leeyihiin Caasimadda Muqdisho.

 

Isku soo duuboo qoraalka oo uu qaldaadkiisu badnaa ma ahayn mid Wasiir kasoo baxay, ee wuxuu ahaa mid kasoo baxay shaqsi qoraal barad ahayn. Dhanka kale wuxuu u ekaa qoraal lagu amray Dhabancad inuu deg deg mas’uuliyadaas u qaaato, hoos ka akhriso qoraalka wasiirka.

 

MUXUU YAHAY QORSHAHA AARAN JAAN & FAROOLE EE DHABANCAD?

Kooxda xagjirka ah ee Aaran Jaan waxay u keensatay Dhabancad inuu ka shaqeeyo sidii uusan gobolka Mudug u degi lahayn, isagoo marka hore isku dhufana Puntland iyo Galmudug si daganaanshaha Mudug uu meesha uga baxo, wuxuu kaloo isku dhufanayaa beelaha walaaha ah ee Puntland ee ku nool gobolka Mudug.

Shaqadaas ayey Faroole iyo Aaran Jaan u keensadeen, waxaana muraadkooda koowaad yahay i n gobolka Mudug nabad helin oo uusan degin colaad joogto ahna uu ku jiro iyagoo ay la tahay inay dantoodu ku jirto taas.

Dhanka kale waxay kooxdani ka xun tahay midnimada shacabka walaalaha ah ee Puntland ka soo jeeda iyo inay qaateen inay nabad kula noolaadaan shacabka walaalahood ah ee Galmudug ka soo jeeda si isku tashina ay ku horumariyaan gobolkooda.

Waxaana uga digaynaa shacabka gobolka Mudug ee walaalaha ah inay ka digtoonaadaan fidnada lala damacsan yahay.

Puntlandes.com

About The Author