Daawo Video: Xaaf oo sheegay in dowladda Federaalku wali dagaal kula jirto maamulkiisa

23 Feb 2019  (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo maalmahan dambe safar shaqo ku joogay dalka Keynya ayaa manta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo, dhanka uu ka arimiyo maamulka galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in wali aan xal laga gaarin khilaafkii maamulkiisa kala dhexeeyay dowladda Soomaaliya.

Xaaf oo maanta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dowladda dhexe ay wali dagaal kula jirto maamulka  Galmudug, isagoo tilmaaamay in heshiisyadii la gaaray aanay waxba ka dhaqan gelin dhinaca dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in kulankii Madaxweyne Farmaajo ee Garowe iyo mid kale oo dhex maray isaga iyo Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin, aaney wax natiijo ah ka soo bixin oo waxba ka fulin.


Madaxweyne Xaaf ayaa yiri “Madaxweynaha go’aankii aan ku soo gaarnay Garowe waxba kama fulin, mid aan Fahad kuwada hadalnay Nairobi waxba kama fulin ilaa hada, waxaad moodaa waxaan dhaq dhaqaaqeyn”

Shacabka ku nool deegaanada Galmudug ayuu ugu baaqay iney muujiyaan isku duubnidooda, ayna sameeyaan isku tashi, si buu yiri ay uga maarmaan dowladda Soomaaliya oo aan waxba u qaban dadka ku nool gobolka Galgaduud iyo Koofurta Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la tashiyo la sameynaya maamulka gobolka mudug, kan degmada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo warbixin ka siin doona arrimaha soo cusboonaaday.

Si kastaba, Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa todobaadkii hore sheegay ineysan maamulkooda mataleynin ergo la sheegay iney ka qeybgashay shirkii dhab u heshiisiita ee uu soo xiray Ra’iisul Wasaare Khayre, wuxuuna tilmaamay in dadka ka qeyb galay ay iska keensatay Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo 26-kii bishii hore ka qeybgalay caleema saarka Madaxweyne Siciid Deni ayaa la kulmay madaxda dawlad goboleedyada, waxaana lagu balamay in bisha soo socota bartameheeda shir looga hadlayo xalinta khilaafyada jira lagu qabto Garowe, iyadoo aan la ogeyn saameynta hadalka Madaxweyne Xaaf.

Puntlandes.com

About The Author