Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

23 Feb 2019  (Puntlandes) Waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. AUN Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore waxaana lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dilka xildhibaanka, oo ay fuliyeen koox hubeysan, ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Kaaraan ee Muqdisho, dablaydii dilka xildhibaan Boqore gaystay oo watay gaari ayaa goobta ayaa si deg deg ah uga baxasday goobta.

Cusmaan Cilmi Boqore ayaa ka mid ahaa Xubnaha Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa soo noqday Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaankii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya, sidoo kale waxaa uu ahaa ninka ugu da’da weyn Baarlamaanka

Puntlandes.com

About The Author