Sawirro: Madaxweynaha JFS oo gaaray magaaladda Doha ee Dalka Qatar

26 Feb 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Dooxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Doha, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Qatar iyo Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Booqashadaan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac.


Puntlandes.com

About The Author