Akhriso Axmed Madobe oo amaro culus kusoo rogay musharixiinta Jubbaland ee la tartamaysa

27 Feb 2019  (Puntlandes) Guddiga Amniga dowlad Jubbaland ayaa mamnuucay olole doorasho oo xilligan la qabto, iyagoo ku wargeliyay Musharaxiinta in nidaamka Ololaha doorashada looga dambeeyo Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha oo dhowaan la dhisi doono.

War murtiyeedka ka soo baxay Guddiga Amniga Jubbaland ayaa lagu wargeliyay Musharaxiinta ka imaanaya meel ka baxsan deegaanada Jubbaland ay soo wargeliyaan Jubbaland, si ammaankooda loo sugo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in aan la ogolaan doonin ilaalo gaar ah, iyadoo ammaanka musharaxiinta uu sheegay Axmed Madoobe inuu damaanad qaadeyo.

Puntlandes.com

About The Author