Wasiirka Amniga oo lagu wareejiyay warbixin ku saabsan tirada guud ee Ciidamada Soomaaliya

27 Feb 2019  (Puntlandes) Koox ka socotay AMISOM oo qiimeyn ku sameeysay Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan tirada Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo suura galnimada inay la wareegi karaan amniga guud ee dalka, marka ay isaga baxaan AMISOM.

Warbixinta oo ka kooban 60 Bog ayaa lagu sheegay in tirada Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kor u dhaafeen 20,000 oo Askari, kuwaasoo xilligan awood u leh iney hantaan amniga guud ee dalka.

Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa warbixintan 60-ka Bog ka kooban waxa uu ku wareejiyay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Tirada Ciidan lagu sheegay warbixinta waxey isugu jiraan Ciidamada dowlad Goboleedyada, kuwa dowladda Federaalka ah iyo malleeshiyo beeleedka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxeyna dhamaantood diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Kooxda ka socotay AMISOM ee qiimeynta ku sameeysay Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Maamulka Goboleedka Galmudug uu hoggaaminayo tirada ugu badan Ciidamada, waxaana ku xiga Maamullada Puntland, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Waxaa kaloo warbixinta lagu sheegay in 20,000 ee Askari aysan heysan dhar u gaar ah iyo hub ku filan, balse ay ay qabaan tababarka aas aaska ah ee Milatariga.


Puntlandes.com

About The Author