Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo Bosaso lagu dilay

08 Marso 2019 (Puntlandes) Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta lagu dilay Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo kamid ahaa isimada dhaqanka Puntland.

Ciidamada amniga Bosaso oo gaaray halka weerarku ka dhacay ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala masjidka balse weli ma cadda in dilka suldaanka cid loo qabtay iyo in kale.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka inkastoo weerarro sidaan u eg ay fulliyaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Puntlandes.com

About The Author