Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo ku Geeriyooday Imaaraadka Carabta

08 Marso 2019 (Puntlandes) Cisbitaal ku yaala dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ku geeriyooday AUN wasiirkii Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Qaar kamid ah masuuliyiinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijyay geerida wasiir Xoosh iyagoona alle uga baryay in uu janadii fardows ka waraabiyo.

Wasiir Xoosh ayaa lagu soo waramayaa in uu maalmihii ugu dambeeyay xanuunsanayay isagoona daaweyn caafimaad u joogay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa kamid ahaa wasiirada ugu faca weyn xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya isagoona mudo badan kasoo shaqeeynayay xilalna kasoo qabtay dowlada dhexe ee dalka.

Puntlandes

About The Author