Daawo Video: AUN marxuum Xasan Yuusuf Dhuux oo lagu aasay magaalada Melbourne ee dalka Australia

INAA LILAAHI WA,INAA ILEYHEYHI RAAJIXUUN.

Waxaa maanta 10ka marso 2019 lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee magaalada Melbourne ee dalka Australia Allaha u naxariistee Xasan Yuusuf Dhuux (Xasan Garabeey) oo ku geeryooday magaaladaas Jimcihii oo ay bishu ahayd 08dii marso 2019.

AUN Xasan Yuusuf Dhuux ayaa ahaa nin oday ah oo ka shaqeeyn jiray, dadaal badana galiyey Isu keenida, badbaadinta, horumarinta iyo khayr ka shaqaynta ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland.

Waxaan allah uga baryaynaa inuu marxuumka dambigiisa dhaafo janadii fardowso ahaydna ka waraabsho, kitaabkiisa ka gacanta midig ka siiyo, Xaaskiisii iyo caruurtiisana samir iyo iimaan ka siiyo amiin yaa allah.

About The Author