Taliyahii & Abbaanduulaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland oo is casilay

12 Marso 2019 (Puntlandes) Taliyaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo abbaan-duulaha Daraawiishta Gen Siciid Maxamed Salaad (Goraya-cawl) ayaa labaduba warqadaha is-casilaadda u gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed.

Lama yaqaan in madaxweynuhu aqbalay waraaqaha iscasilaadda ee ay u gudbiyeen taliyaasha iyo in kale.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay saldhig ciidan ka samaystay degmada Yubbe ee koonfur bari gobolka Sanaag halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin in ka badan 30 gaadiidka teknikada Somaliland oo ka soo ruqaansaday dhinaca magaalada Ceerigaabo.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay u sii gudbayan degaannada ku yaalla bariga gobolka Sanaag oo ay ku jiraan Xiingalool Damalla-xagarre iyo Badhan iyagoo sheegay in ay ka hortagayan weerarro Somaliland uga yimaada Gen Caarre oo hoggaamiya jabhad fadhigeedu yahay aga’gaarka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

 

Puntlandes.com

About The Author