Fahad Yaasiin oo ku biirey wadahadalada ka socda Kismayo

12 Marso 2019 (Puntlandes) Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Fahad Yasiin ayaa galabta gaaray magaalada Kismayo, isagoo ku biiray wada hadalada u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Fahad Yasiin ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay isu soo dhowaanshaha dowladda Federaalka iyo Jubbaland, kaddib wada hadalo uu Nairobi kula yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Fahad Yasiin ayaa todobaadyadii u dambeeyay safaro ugu maqnaa dalalka Qatar, Sudan, iyo Itoobiya.

Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Fahad Yasiin ayaa ka soo shaqeeyay sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen Maamulka Axmed Madoobe iyo Dowlada Federalka.

Hase yeeshee dad badan ayaa ka shakisan doorka uu qaadanayo Fahad Yasiin oo isku ah taliye iyo taliye ku xigeenka Nabad Sugida xilli magaalada Muqdisho amnigeedu uu yahay mid aad u liita oo ay qaraxyo iyo dilal ay ka dhacayaan.

Waxaa ay wararku sheegayaan in ay socdaan wadahadalo saddex geesood ah taasoo lagu doonayo in mashaariicda horumarinta ee laga bilaabayo dowlad goboleedka Jubbaland aanay saameyn ku yeelan tartanka siyaasada.

Puntlandes.com

About The Author