Madaxweynaha K/Galbeed oo maanta gaaray degmada Diin-soor

13 Marso 2019 (Puntlandes) Wafdigan oo uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen)ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedada socdaalka wafdigan madaxweyne Laftagareen oo ay kamid yihiin xubno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ah sidii uu halkaasi uga furi lahaa mashaariic horumarineed.

Waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay degmada Diinsoor maamulka degmada,shacabka mas’uuliyiin iyo saraakiil oo halkaasi ku sugan.

Laftagareen ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliayay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.


Puntlandes.com

About The Author