Ciidamada Puntland oo daryeel la’aan uga baxay Buuraha Galgala

16 Marso 2019 (Puntlandes) Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugnaa degaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa Sabtida saaka ah isaga soo baxay halkaasi.

Ciidamadan oo ka kooban Booliis iyo Daraawiish ayaa gaaray tuulada Jimbac oo qiyaastii 28 km dhanka bari kaga beegan degaanka Afurur ee isla gobolkaasi Bari sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sarkaal ciidan oo diiday in magaciisa la xigto ayaa warbaahinta Puntlandes u xaqiijiyay bixitaanka ciidamada waxaana uu sheegay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan in mudda ah haysatay sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale dhawaan ayey ahayd markii cutubyo aad u hubaysan oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ay isga soo baxeen jiida Tukaraq, iyagoo ka cabanayey mushahaar iyo daryeel la’aan. Jiida Tukaraq ayaa iminka u muuqata mid haawanaysa, iyadoo aad moodo inay tahay siyaasadda dawladda cusub in aan Somaliland laga kicin dhulka ay haysato inay qabsato dhul hor leh ma ahee iyadoo iminka isku fidinaysa gobolka Sanaag.

Puntlandes.com

About The Author