Dhagayso: Dawladda Puntland oo Garoonka diyaaradaha Bosaso ka wareejisay duulimaadkii diyaaradda Daallo

17 Marso 2019 (Puntlandes) Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada Dowlada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay) ayaa sheegay in diyaaradda Daallo Airline oo ah diyaaradda kaliya ee duulimaadka caalamiga ka sameeya garoonka diyaaradaha Bosaso loo wareejin doono Goroonka Gen.Maxamed Abshir ee magaalada Garowe.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad shalay xariga looga Jarayay Xarunta Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Gen.Maxamed Abshir, taas uu shalay xariga ka jaray madaxeeynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Wasiir Gabilay ayaa sheegay in dhamaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee tagi jiray dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta laga wareejinayo garoonka diyaaradaha Bosaso loona wareejin doono garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Garowe.

Gabilay ayaa yiri  “Waxaan rajeynaynaa labada Week (Todobaad) ee soo socota inaan Xaruntii duulimaadka ee shirkadda Daallo Airline uu yimaado halkan (Garowe) oo diyaaradaha kale ay dadka soo qaadaan oo halkan ay diyaaraduhu toos uga aadi doonaan Dubai tii Cargo-ga laftigiida wadahadal baa noo socda bisha 4-aad (April) gudaheeda in aan soo gaba gabeynayo qorshahan”

Si kastaba hadalka wasiirka duulista Hawada iyo garoomada Puntland ayaa kusoo aadaya xili garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Bosaso ay ka wareegeen shirkado badan oo horey uga sameyn jiray duulimaadyo iyadoona ariintaasi ay sababtay in ay yaraadaan guud ahaan duulimaadyada garoonka oo kamid ah garoomada caalamiga ah ee ka jira Soomaaliya, isagoo qarka u saaran inuu xirmo haddii Diyaaradaas laga wareejiyo.

Kooxda Aaran Jaan oo garwadeenka ka ah dawladda Deni ayaa lagu bartay xiligii Faroole madaxweynaha ka ahaa Puntland inay wax walba usoo wareejiyeen Garowe, iyagoo aan aqoon Puntland oo Garowe aan ahayn.

Dhagayso coda Wasiir Gabilay

Puntlandes.com

About The Author