Sawirro: Farmaajo & Geelle oo si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho

17 Marso 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.

Safaaradda ayaa ku taala degmada C/casiis, gaar ahaan halka loo yaqaano Mariinada, waxaana uu dhismaha Safaaradda qaatay muddo labo sano, iyadoo bishii February ee sanadkii 2017 la dhagax dhigay.

Munaasabadda furitaanka Safaaradda cusub ee Jabuuti ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin, waxaana xubnaha goobjooga ahaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladdiisa ay bixisay dhulka safaaradda Jabuuti.

Safaaradda Jabuuti ayaa deganeyd dhismo ku yaalla gudaha Madaxtooyada oo ay ku shaqeyneysay muddo sanado ah, waxaana haatan safaaradda ay banaanka uga soo baxday xeyndaabka Madaxtooyada.


Puntlandes.com

About The Author