Sawirro: Bursaalax oo ay ka bilaabatay dhismaha wadada wadnaha oo Laami la saarayo

18 Marso 2019 (Puntlandes) Magaalada Bursaalax ayaa waxaa maalintii shalay ahayd la dhagax dhigay dhismaha wadada wadnaha u ah magaalada oo Laami la saarayo.

Wadadan halbowlaha u ah degmada Bursalaax ayaa waxaa laami laga dhigayaa  2km, taas oo si isku tashi ah lagu dhisayo, waxaana
ka qayb qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.

Munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa ka qayb galay
wafti Wasiiro ah oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arimaha gudaha, Federaalka iyo dimuqraadiyada dowlada Puntland, maamulka degmada Bursaalax iyo madax kale.

Dhismaha wadada ayaa waxaa fulinaya Shirkadda Kibarko , waxaana ku baxaysa lacag dhan $360000, iyadoo ay 1KM ku baxayso $180000.

Gudoomiyaha Degmada Bursaalax Maxamed Saleebaan diiriye ayaa codsi u diray dhamaan dadwaynaha degmada, shacabka gobolka Mudug, dawladda Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed khayrka jecel inay ka wqayb qaataan dhismaha wadada Bursaalax.

 



Puntlandes.com

About The Author