Daawo Video: Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea oo gaaray Hargeysa

18 Marso 2019 (Puntlandes) Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka  Soomaaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ,waxaana intaasi kadib la geeyey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliland ee Magalada Hargeysa.

Wafdiga wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa loo galbiyay Madaxtooyada, halkaasoo wada hadalo kula yeelan doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Safarka uu Maanta magalada Hargeysa uu ku tagay Wasiirka arrimaha Dibada Eritrea oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa uu kulan la qaatay  Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka warfafainta Eritrea, Yemani Meskel ayaa qoraal uu twitter soo dhigay ku sheegay in safarka wasiirka uu qeyb yahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda gobolka.

Tan iyo markii uu heshiis dhex maray dalalka Itoobiya iyo Eritrea, oo u dhaxeeyay colaado socday muddo labaatan sano ah, ayaa waxaa isa soo taraya dhaq-dhaqaaqyada Eritrea ka waday gobolka, iyadoo si tartiib tartiib uga soo baxeysay go’doonkii ay muddo labaatan sano ku jirtay.

Is-bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ee hormuud uu ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo loolanka Juquraafiga Siyaasadda ee Gobolka ayaa loo arkaa mid xilligan saameyn weyn yeelanaya, marka loo eego xaaladaha ka jira Gobolka, gaar ahaan dalalka kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.


Puntlandes.com

About The Author