Alshabaab oo la wareegay deegaanka Dhanaane ee duleedka Muqdisho

18 Marso 2019 (Puntlandes) Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa maqribnimadii xalay la wareegay deegaanka Dhanaane ee dhaca wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, halkaasoo shalay ay isaga baxeen Ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 12-ka April.

Qoraal Alshabaab ku daabaceen baraha Internet-ka ee ayay ku sheegtay in bilooyin badan kaddib ay dib gacantooda ugu soo laabatay deegaanka Dhanaane, iyagoo intaa ku daray Ciidamadii ku sugnaa ay gudaha u galeen Muqdisho.

Alshabaab ayaa sheegay in sababaha ay Ciidamada xoogga dalka uga baxeen deegaanka ay tahay cabsi ay ka qabeen weeraro uga yimaada dhankooda iyo inay waayeen gurmad, kaddib markii ay waddooyinka ka jareen.

Hase ahaatee ka bixitaanka Ciidamada ayaa salka ku hayay mushaar la’aan heysata ciidanka muddo afar bilood ah iyo in aanay maalmihii u dambeeyay ka go’ay saadkii loo geyn jiray.

Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliska  Xoogga dalka ayaa qiray mushaar la’aanta Ciidamada qaar ee bilihii u danbeeyay, iyagoo sababata ku sheegay diiwaangelinta Ciidamada oo socotay, maadaama la doonayo in lacagaha loogu shubo Akoonadooda.

Puntlandes.com

About The Author