NIN SOORI QAADAY NIN SEEFI QAADAAY BAA SHARAF DHAAMA

Markaad Luqmad afka gashatid haddii walaalkaa cunaha kugu dhago si uu kaaga matagsado, taasi waxay ka dhigan tahay ha noolaan.

Nin Qorax kugu dilay maydkaaga hoos uma jiido, waxaan taas ula jeedaa garoonkii caalamiga ahaa ee Boosaaso, ee ahaa kii ugu horeeyey ee laga hirgaliyo Puntland in maanta laga wareejiyey duulimaadkii caalamiga ahaa, iyadoo waliba Boosaaso ay Garowe in badan uga dhow dahay dalalka Khaliijka carabta iyo waqooyiga Afrika ee xiriirka soo jireenka aynu la lahayn.

Akhristoow sidaad xasuusataan cunaqabatayntan waxa ka horaysay tii la midka ahayd ee xafiisyadda Gargaarka iyo UN-ka laga wareejiyey magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo markii uu xilka hayey Cabdiraxmaan Faroole isagoo taas ku naas nuujinayey deeganka uu kasoo jeedo.

Doqontu markay ku legdooto isaga kac way ilawdaa ama maba garato, su’aasha hadda qof kasta oo reer Puntland ah uu iswaydiinayo waxay tahay taloow mashruucee ku xigi doona oo gobolada kale ee Puntland la damacsan yahay in laga dhaxal wareejiyo?

Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdulaahi Deni markuu xilka qabtay qudbooyinkiisii waxaad ka xusuusataan balan qaadkiisii ahaa in mashaariicda ka socota Puntland ay u fuli doonaan sidii horay loogu talo galay, LOOGE LOOBA JOOGE????????

Puntland dhismaheedii waxaa ku bahoobay oo dhidibada u aasay Isimo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxagarad kasoo kala jeeda gobolada ay Puntland ka kooban tahay iyadoo himiladooda iyo hiigsigooda uu ahaa inay deegaankooda kusoo dabaalaan nabad iyo barwaaqosooran saldhigeedu uu yahay cadaalad waafawqsan shareecadda Islaamka.

Hada waxaa iswaydiin leh xaggee ku socotaa Puntland?

Sansaanyaha ay hadda Puntland ku socotaa waxay u egtahay  saadaashii abwaan Hadaraawi ee heestii 40 sano ka hor uu ku cabirayey hab dhaqankii dawladii Soomaaliyeed ee markaas jirtay ee ahayd “hal la qalay raqdeedaa lagu soo qamaamoo, qalalaasihii baa ninba qurub haleeloo,…… qosol wuxuu ka joogaa qubanaha dambeeyee Buuraha qotoda dheer ka arkaaya qiiqee qarka soo tafaayee…”

ILAAHOOW NA CAYMI

Dr Farax Yare

Puntlandes.com

About The Author