Sawirro: Danwadaag Foundation oo Dugsigii 5aad ka dhisi doonta Degmada Murcanyo ee Gobolka Gardafue

21 Marso 2019 (Puntlandes) Golaha Danwadaag Foundation ayaa degmada Murcanyo ee Gobolka Gardafue ka dhagax dhigay Mashruucii 5aad oo ah dhisme dugsi hoose/dhexe oo ay yeelanayso degmadu kaas oo loogu magacdaray Faatax Iskuul, Dhagax dhiga Mashruucaan ayaa waxaa ka qaybgalay Xubno matalaya Golaha Danwadaag, Ingineerka gacanta ku hayn doona dhismaha dugsiga iyo Dadwaynaha degmada Murcanyo oo ay hormuud u yihiin cuqaasha iyo waxgaradku, Odayaashaa degmada Murcanyo iyo Ibraahim Cabdiraxmaan Oo matalayay Danwadaag ayaa si rasmiya u dhagax dhigay bogcada laga dhisi doono dugsiga.

Dadka deegaanka ayaana beeraha Tiyeega ku qabtay Munaasabad ay ku soo dhawaynayaan kuna bogaadinayaan Golaha Danwadaag oo fursad u siiyay dadka deegaanka in ay helaan goob ay caruurtooda wax ku bartaan taas oo ay baahi wayn u qabeen.

Munaasabada waxaa kalmado ka soo jeediyay Cuqaasha, haweenka iyo dhalinyarada degmada waxayna Danwadaag Foundation uga mahadceliyeen sida ay ahmiyada u siisay waxka qabashada baahiyaha ka jira degmada oo dawladu ay ka gaabisay dadka deegaankuna ay tabar iyo taag u waayeen.

Nabadoon Nuur Cusmaan Togax, Nabadoon Faarax Cabdale faarax , Caaqil Yuusuf Cali Bile, Caaqil Maxamed Axmed Cali Dhagawayne iyo Caaqil Cabdilaahi Cartan oo munaasabada ka hadlay waxay u mahadcelinyeen xubnaha golaha Danwadaag meel kasta oo ay joogaan, waxayna ugu duceeyeen si wada jir ah iyagoo ilaah uga baryay inuu ka ajar siiyo wanaaga ay ummadooda u samaynayaan.

Ugu danbayn waxay codsi dheer u direen Dawlada Federaalka ah iyo dawlada goboleedka Puntland iyagoo ka codsaday in laamiga laga soo dego oo dadka dhulka fogfog ku nool wax loo qabto, waxay si adag uga cabanayeen biyo la’aan baahsan oo dadka deegaanka soo foodsaartay, iyo adeegyada Caafimaadka, Amniga iyo waxbarashada oo aad u liita.

Eng Jaabir Calasow oo ah Ingineerka dhisi doona dugsigaan waxa uu sheegay in waqti kooban uu qaadan doono hadii rabi idmo, dadka degmada Murcanyo ayuu kula dardaarmayn in ay kaalintooda qaataan, waxa uuna codsi u diray dadka ganacsatada iyo qurbajoogta ah ee kasoo jeeda Degmada Murcanyo isaga oo ku booriyay in ay dawr shariifa ka qaataan sidii degmadu u heli lahayd adeeg waxbarasho oo dhamaystiran, Golaha Danwadaag ayuu uga mahadceliyay sida ay markasta bulshada u garab

Ibraahim Cabdiraxmaan oo ku hadlayay Magaca Golaha Dawnwadaag Foundation waxa uu sheegay in Golaha ay ka goantahay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen horumarinta Adeegyada bulshada, Waxa uu dawlada Puntland ugu baaqay in ay wax ka qabtaan baahiyo tira badan oo ka jira degmada Murcanyo oo uu indhihiisa kusoo arkay.

“Danwadaag waa dad isu tagay oo ku sugan gudaha dalka iyo dibadda, waa dad muxsiniin ah oo isu xilqaamay inay wax uun u taraan dalkooda iyo dadkooda, Mashruucyada Danwadaag ay fulisay uusan ugu horeyn kan ay ka fulinayaan Murcanyo uguna dambayn doonin Insha’laah ayna sii wadi doonaan” Ayuu yiri Ibraahim Cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii wata.

Cabdi Caydiid Shire Gudoomiyaha Golaha Danwadaag iyo Nuura Cusmaan Madaxa waxbarashada Golaha Danwadaag oo iyagu dalka dibadiisa ku sugan waxa ay sheegeen in Mashruucaan uu ahmiyad gaara u leeyahay, ayna ku faraxsan yihiin in waqti yar oo kooban ay dabooleen baahi meelaha qaar ka jirtay, waxay sheegeen in cid kasta oo ka qayb qaadanaysan sidii baahidaa loo dabooli lahaa ay baaq u dirayaan.

Danwadaag Foundation ayaa horay Mashaariic waxbarasho uga fulisay degmooyin ka tirsan Bariga Fog ee Puntland iyo kuwa ku yaala laamiga intaba, sidoo kale waxay qabatay mashaariic kale oo ay ku horumarinayso adeegyada Bulshada.


Puntlandes.com

About The Author