DF oo xil culus si deg deg ah uga abaal-marisay Camey dagaal siyaasadeedkii uu la galay

21 Marso 2019 (Puntlandes) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ka abaal-marisay dagaal siyaasadeedkii uu la galay madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xilligii uu khilaafku ka dhaxeeyey Puntland iyo dawladda Federaalak.

Camey ayaa maanta xil safiir loogu ansixiyey kulankii ay golaha wasiirada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, iyagoo si deg deg ah ugu abaalguday.

Sida horey ay u sameyn jirtay dowladda, lama shaacin waddanka safiirka loogu magacaabay Camey, waxaase loo gudbiyey madaxweynaha oo marka uu ansixiyo shaacin doono dalka uu fariisan doono Camey.

Camey ayaa lagu xusuustaa sidii uu uga horyimid dawladda Puntland oo uu ka tirsanaa, isagoo si aan dawöladnimo ahayn ku taageeri jiray Farmaajo, Khayre iyo Fahad kana horyimid Gaas.

Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in xilka loo magacaabay Camey uu yahay farriin ay direyso dowladda, kuna sheegeyso inay abaal-marin doonto cid kasta oo daacad u noqotaa lana safata iyada.

Dawladda ayaa sidoo kale  xilal u magacawday dad uu keensaday camey iyadoo fariin cad ay u tahay ianysan balanka uga bixi doonin mas’uulkii dawlad Gaboleedkiisa dhabarka u jeediya sida Camey oo iyada siiyo taageero indho la’aan ah.

Puntlandes.com

About The Author