Madaxweyne Deni oo safarkiisa gobolada Karkaar & Bari u soo qaatay Jaakada aan Xabadu Karin

27 Marso 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid cabdulaahi Deni oo maanta safar ugu baxay gobolada Karkaar  & Bari ayaa safarkiisa u soo qaatay Jaakada aan Xabadu Karin oo uu ka hoos xiran yahay kana hoosaysa Jaakada weyn ee uu qabo.

Xili Cimilada oo iminka ah mid aad u kulul ayuu Madaxweyne Deni wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu Horeeye ee Puntland ee jaakadaha Xabadda kuxirta Puntland, xili uu booqanayo shacabkiisa.

Madaxweynaha saaxiibadiis Aaran Jaan ayaa ku caan ah cabsi gelinta madaxda si ay uga fogeeyaan shacabkii doortay, waxaana muuqata inay madaxweynaha ku qasbeen inay jirto cabsi uu la xirto Jaakadda aanay xabadu karin.

Puntlandes.com

About The Author