Sawirro: Degmada oo ay ka socoto dhismaha waddada bartamaha oo loo diyaarinnayo in laami la saaro

27 Marso 2019 (Puntlandes) Degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda dhismaha waddada marta bartamaha magaalada oo loo diyaarinnayo in laami la saaro.

Dhismaha waddadan ayaa waxaa lagu dhismayaa si isku tashi ah oo ay hormuud u yihiin maamulka iyo shacabka degmada,

Shirkadda Kebarco ayaa  fulinaysa dhismaha waddada, waxaana loogu baaqay dhamaan dadka jecel inay wanaaga ka qayb qaataan inay waddan wax ku sadaqaystaan.

Maamulka degmada ayaa ugu baaqay bulshada oo ay qurbajoogta iyo ganacsatada ugu horreeyaan inay ka qaybqaataan dhammeystirka wadadan oo 2KM la saari doono Laami.


Puntlandes.com

About The Author