Dawlada oo baajisay kulankii golaha shacabka & Xildhibaano gubiyey in xaaladda amniga dalka laga doodo

30 Marso 2019 (Puntlandes) Dawladda Federaalka Soomaaliya aya maanta baajisay kulankii golha Shacabka ee Kalfadhiga 5aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo xukuumadu aysan doonan in xildhibaanadu ay ka doodaan amniga dalka oo mara meeshii u xumayd.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay inuu kulanka baaqday, isla markaana uu kooramka buuxsami waayay.

Ku dhowaad 116 Xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka, waxaa maqnaa Wasiirada Xildhibaanada ee ku jira Xukuumadda Kheyre, waana sababta baaqashada kulanka.

Intii aanu kulanka furmin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa xarunta Golaha shacabka la tagay boorar ay ku qoran tahay halku dhigyo kala duwan, sida in Goluhu noqday Gole Sacab.

Xildhibaanada qaar ayaa dood ka keenay ajandaha kulanka oo xalay la shaaciyay, kaasoo ahaa dhageysiga warbixinta Guddiga dib u eegista Baarlamaanka, halka Xildhibaanada ay daneynayeen in kulanka looga doodo arrimaha amniga.

Baarlamaanka Federaalka ayaa u muuqda mid ku furmaya buuq iyo jahwareer hor leh, marka loo eego xaalada dalka ka jira iyo sida Guddoonka ay u taageersan yihiim Xukuumadda, taasoo kulamada Baarlamaanka ka dhigi karta mid fowdo ah.



Puntlandes.com

About The Author