Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday shirka madaxda Jamaacada Carabta ee Tunisia

31 Marso 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shir ay isugu imanayaan madaxda dalalka Jaamacada Carabta oo maanta ka furmaya Magaalada Tunis ee Caasimadda dalka Tunisia.

Shirka madaxda Jamaacada Carabta ayaa sanadkan diirada lagu saaraya Arrimaha Falastiin, Yemen, Liibiya iyo Qaddiyadda Syria ee Buuraleyda Golan ee ay Israel xoogga ku heysato iyo qodobo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku fadhiya kursiga Soomaaliya, isagoo matalaya madaxweyne Farmaajo oo aan la ogeyn sababta uu uga baaqsaday, inkastoo sababaha baaqashadiisa lagu sheegay inay la xiriirto xaalada magaalada Muqdisho oo Amnigeeda faraha ka baxayeen kaddib weeraro ka dhacay.

Hoggaamiyayaasha ugu sareeya ee shirka ka qeybgalaya waxaa ka mid ah madaxweynaha dalka Tuunis ee martida loo yahay, Amiirka dalka Qatar iyo Boqorka dalka Sucuudi Carabiya, waxaana isaga maqan madaxda dalalka Sudan, Soomaaliya, Masar iyo Imaaraatka Carabta oo Wakiil u soo dirsatay.

Si kastaba, waxey noqoneysaa markii u horeysay ee Magaalada Tunis marti geliso Shirka madaxda Jaamacada Carabta Sideed sano kadib markii uu wadamada Carabta ka qarxay Gu’gii Carabta, kaasoo xilka looga tuuray madaxweynayaashii dalalka Masar, Yemen, Liibiya iyo Madaxweynihii dalka Tunisia Seynal Caabidiin Bin Cail.

Puntlandes.com

About The Author