Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda dawladda Puntland ee sagaalka bilood ee sannadkaan ka harsan

30 Marso 2019 (Puntlandes) Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda xukuumadda Puntland ee ay sagaalka bilood ee sannadkaan ka harsan ay ku shaqeyn doonto.

Xildhibaannada golaha wakiilada Puntland ayaa ansixiyay miisaaniyadda Sagaal biloodka ee sannadkan 2019 oo dhan $54,000,450. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 40 mudane, 38 xildhibaan ayaa u codaysay 1- mudane wuu ka aamusay, halka mudane kale uu diiday.

Puntlandes.com

 

About The Author