Akhriso Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadaya mas’uulkii aan ahayn Aaran Jaan ama ka agdhawayn

10 April 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa agaasime guud  u magacaabay wasaaradda Degaanka Beeraha iyo Isbeddelka cimilada Puntland, kadib markii uu xilka ka qaaday agaasimihii hore ee wasaaraddaasi, Axmed Cabdi Cali Shire  (Kayse).

Sidoo kale, agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda ayaa isna loo magacaabay Faarax Maxille Jaamac, kadib markii xilka laga qaaday agaasimihii hore waaxdaaasi, Maxamed Abshir Jaamac.

Dikreetada lagu magacaabay mas’uuliyiintan cusub ayaan lala wadaagin warbaahinta si ka duwan madaxweynayaashii hore ee Puntland oo warbaahinta ka shaacin jiray.

 

Akhriso digreetada uu Deni xilalka ku magacaabay

About The Author