Weerar qarax loo adeegsaday oo lagu qaaday Ciidanka amniga ee Bosaso

10 April 2019 (Puntlandes) Ugu yaraan 6 askari ayaa ku dhaawacmay qarax oo caawo lala eegtay ciidamo ka tirsan Ciidanka Puntland ee hawlgala magaalada Bosaso, xilli ay marayeen bartamaha magaaladaas.

Jugta qaraxa iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlay gudaha magaalada iyadoo jaah wareer iyo kala carar uu ka dhashay nawaaxiga uu qaraxu dhacay sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ciidanka qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwa roonda ka samaynayey gudaha magaalada si ay u xaqiijiyaan amniga. sadex ka mid dhaawaca ayaa dhaawacoodu aad u culus yahay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in aan weli cidna loo qaban qaraxa balse ay ciidanku halkaasi ka wadaan hawlgallo baaritaan ah, ma jirto cid sheegatay weerarkan inkastoo qaraxyo noocaan oo kale ah ay Bosaaso ka geystaan kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Dhanka kale shalay ayey ahayd markii suuqa magaalada Bosaso bartankiisa lagu toogtay askeri ka tirsan Ciidanka Puntland, kaas oo isla goobtii u dhintay. Magaalada Bosaso ayuu amnigeedu aad usoo xumaanayey maalmihii dambe inkastoo ay xukuumadu isku dayday inay wax ka qabato amni xumada jirta.

Puntlandes.com

About The Author