Sawirro: Muse Bixi oo kula kulmay Hargeysa safiirka Maraykanka dalka Soomaaliya

Filed under: Wararka maanta |

12 April 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Donald Y. Yamamoto.

Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimo kala gedisan oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee ka dhexeeya.

“Arrimaha ugu waaweyn ee kulankan loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa dardargelinta arrimaha doorashooyinka Somaliland, sidii ay shirkadaha Maraykanku u maalgashan lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen horumarka ay ku talaabsanayso Somaliland, xaaladda gobolka, Amaanka iyo qoddobo kale.”ayuu yiri mas’uul u hadlay maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa Yamamoto dhawaan kula kulmay magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland iyadoo ay ka wada hadleen sidii Maraykanku u maalgashan lahaa Puntland.


Puntlandes.com