Daawo Video: Madaxweyne Farmaajo oo mudaharaadkii rabshadaha watay ku eedeeyey mucaaradkiisa

13 April 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay mudaharaadkii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ka dhashay dilkii loo geydtay wiilkii bajaajlaha ahaa iyo qof la socday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaliilay fal celintii ka dhalatay dhalinyarada la laayay ee ahaa banaan baxyadii ka dhashay, isagoo xusay in aan la aqbaleyn banaanbax aan sharciyeysneyn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Wax kastoo dhaca dowlad baad leedihiin, dowlad baad doorateen, annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiina ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha inuu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno”

 

Puntlandes.com

About The Author